6 xeer uhoreeya 48 lows of power

 

Xeerka 1: Ha ka muuqan sayidkaaga – Had iyo jeer isaga ka muuji inuu ka awood badan yahay

Waligaa ha ka muuqan qofka kaa sareeya xil ama awood ahaan. Hadduu qofku dareemo in la halis gelinayo booskiisa, wuu kaa xanaaqi doonaa oo wuu kuu arki doonaa cadow.

Tusaale: Haddii aad la shaqeyso madax, iskuday inaad muujiso inaad isaga ku tiirsan tahay, xitaa haddii aad hibo badan tahay. Tusaale ahaan, haddii aad fikrad fiican keento, ha u muuqan sida adiga keliya fikraddaas u keentay, ee si xeeladeysan ugu muujiso in madaxu qeyb ku lahaa.


Xeerka 2: Ha aaminin saaxiibadaada si xad dhaaf ah, baro sida aad uga faa’iidaysan lahayd cadowgaaga

Saaxiibadaada mar walba ha aaminin, waayo marmarka qaar waxay kuu noqon karaan kuwo laga yaabo inay ku khiyaaneeyaan. Cadowgana, haddii aad si fiican ula dhaqanto, wuxuu noqon karaa mid kaa daacad badan.

Tusaale: Haddii aad shaqo cusub rabto inaad qof u dhiibto, ha dooran saaxiibkaaga kaliya sababtoo ah waa saaxiibkaa. Dooro qof xirfad leh, xitaa haddii uu horey kuu dhaliilay. Badanaa cadowgu markuu garto in la aaminay, wuu dadaalayaa si uu kalsoonida u kasbado.


Xeerka 3: Ha muujin wax badan – Ha ogolaan dadka inay kaa ogaadaan wax kasta

Ha muujin wax kasta oo aad ogtahay ama damacsan tahay. Dadka waxay ka baqaan oo ixtiraamaan waxa ayan garanayn.

Tusaale: Haddii aad qorshe ganacsi leedahay, ha u sheegin qof kasta qorshahaaga oo dhan. U sheeg qeyb ka mid ah si uu xiiso u qabo, balse sirta ugu weyn kugu ekaato. Tani waxay kaa dhigeysaa qof la yaab leh oo aan si sahlan loo fahmi karin.

Xeerka 4: Had iyo jeer dhih wax ka yar inta loo baahan yah

Marka aad la hadleyso dadka kale, isku day inaad hadalka kooban ka dhigto. Hadalka badan wuxuu fursad siiyaa dadka inay kaa fahmaan waxa aad damacsan tahay ama inaad tahay qof aan awood badan lahayn. Dadka awoodda leh hadalkoodu wuu kooban yahay, oo mararka qaar dadku waxay ka baqaan sababtoo ah ma garanayaan waxa ay maskaxda ku hayaan.

 Haddii aad la joogi lahayd dad siyaasiyiin ah ama ganacsato awood leh, wax badan ha ka sheegin qorshahaaga ama aragtidaada. Haddii qof ku yiraahdo, "Waa maxay qorshahaaga?" waxaad ku jawaabi kartaa, "Waa mid iska fudud, laakiin waxaan rabaa inaan xaqiijiyo marka hore," halkii aad ka sheegi lahayd faahfaahin dheer.

Sababta muhiimka u ah: Hadalka yar wuxuu kaa dhigaa qof la qiimeeyo oo aan sahlaneyn in la fahmo.


Xeerka 5: Wax walba ku tiiri sumcad – Waa tiirka ugu weyn ee awoodda

Sumcaddaadu waa hantidaada ugu weyn. Haddii ay dadka kale kuu arkaan inaad tahay qof sumcad leh, daacad ah ama xoog leh, waxay kugu ixtiraami doonaan – xitaa haddii aysan si fiican kuu aqoon. Marka sumcaddaada la dhaawaco, way adag tahay in dib loo dhiso.

Tusaale: Haddii aad tahay ganacsade, dadka ha ka maqalno inaad tahay qof been badan ama ka baxa heshiisyada. Xitaa haddii aad guuleysato hal mar, waxaad waayi kartaa kalsoonida dad badan. Dhanka kale, haddii sumcaddaadu noqoto "qof lagu kalsoonaan karo", dad badan ayaa kuu imaanaya.

Talo: Ka fogow muran ama ceeb ku keeni karta bulshada dhexdeeda. Ka fiirso ficil kasta oo aad qaadayso inuu dhaawac u keeni karo magacaga.


Xeerka 6: Kasbashada dareenka dadka waa muhiim – Xitaa sumcad xun ka dhig mid faa’iido leh

Inaad dadka indhahooda ku jirto – xitaa si xun – mararka qaar waa ka fiican tahay in la iloobo gebi ahaanba. Dadka awooda leh waxay si joogto ah u kasbadaan dareenka bulshada. Ha noqon qof iska aamusan oo aan cidna ogeyn waxa uu sameeyo. Isticmaal hal-abuur si aad u muujiso naftaada, inaad si wanaagsan u muuqato ama xitaa si "fadeexad leh" haddii loo baahdo.

Tusaale: Fannaaniinta qaar waxay si ula kac ah u sameeyaan wax dadku ka hadlaan, sida lebis cajiib ah ama muuqaal layaab leh – kaliya si ay u helaan indhaha dadweynaha. Haddii aad ganacsi leedahay, samee ol’ole ama xayeysiin dadka yaabinaysa oo ku qasbeysa inay ku eegaan.

Gunaanad:

  1. Ha hadlin wax badan – si dadka uga yaabiyaan waxaad damacsan tahay.

  2. Sumcaddaada ilaali – waa calaamadda lagugu yaqaan.

  3. Ismuujin – iska ilaali in la iska iloobo, xitaa hadduu hadalkaagu yahay mid muran l.

Comments